fredag, april 26, 2024

Dhaqangalka sharciga cusub ee tagaasida oo la codsaday in dib loo dhigo.

Intii lagu jiray xayiraada socodka dadweynaha ee ka hortaga xanuunka Corona-virus, waxaa hoos u dhac xoogan oo 80% uu ku yimid suuqa tagaasida ee Norway.

Dhowr hey´adood oo kala duwan ayaa hada codsanayo in dib loo dhigo dhaqangalka sharciga cusub ee tagaasida oo lagu waday inuu dhaqangalo 1-da bisha Juni ee sanadkan. Sharcigaas ayaa la filayaa inuu wax badan ka badali doono suuqa tagaasida, uuna fududeyn doono inuu xoogeysto tartanka suuqa tagaasida. Halkan kasii akhri

Sharciga cusub ee tagaasida ayaa furayo in meesha ka saarayo in la xadido tirada baabuurta ka shaqeyn doonto magaalooyinka waaweyn, sidoo kale aysan tagaasileydu u baahnaan doonin inay ku xirnaadaaan sentral dhexe, meeshana laga saaray imtixaankii adkaa ee «Kjentmansprøve». Halkan kasii akhri.

Sharciga cusub ayaa sidoo kale ogolaanaya inay suuqa soo galaan shirkada Uber iyo shirkadaha kale ee lamidka ah.

Ururka tagaasileyda, ururka shaqo-bixiyaasha iyo ururo kale oo badan ayaa hada dalbanayo in dib loo dhigo dhaqan-galinta sharcigaas, maadaama hada lagu jiro xaalad suuq xumi ah.

Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix, kadibna Subcribe saar(Abonner).

Xigasho/kilde: Nedgang for drosjenæringen, ber om utsettelse av taxi-reformen

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x