Denmark: Xisbi soo jeediyay in xeerka salaanta gacanta laga dhaafo ajaaniibta dhalashada qaadaneyso.

0
155
Foto: Arbeiderpartiet. ReysulwasaarahaDenmark, Mette Frederiksen

Dalka Denmark ayaa sanad iyo bar kahor meelmariyay sharci waajib ka dhigayo in qofka ajnabiga ah ee dhalashada wadankaas qaadanayo uu gacanta ka salaamo(Gacanqaado) dhamaan dadka kale ee kula sugan xaflada gudoonsiinta jinsiyada. Kaas oo ahaa sharci kayimid muran badan oo ka dhashay rag muslimiin ah oo diiday inay salaanta gacanta ka qaadaan dumarka kula sugan xaflada gudoonsiinta sharciga dhalashada dalkaas.

Balse maadaama xiligan lagu jiro xaalada xanuunka Corona-virus, dadkana loo diiday inay gacanta iska salaamaan, si aysan xanuunka isku qaadsiin, xisbiyada siyaasada Denmark qaarkood ayaa soo jeediyay in sharcigaas adeegsigiisa la joojiyo.

Enhedslisten iyo Radikale Venstre tilhører oo kamid ah xisbiga garabka bidix ayaa soo jeediyay in sharcigaas adeegsigiisa dib loo dhigo.

Reysulwasaaraha dalkaas Mette Frederiksen ayaa 6-da bishii Maarso sheegtay in wali qofka ajnabiga ah ee jinsiyada Denmark qaadanayo ay waajib ku tahay inuu gacanta ka salaama dadka kula sugan xaflada gudoonsiinta sharcigad dhalashada.

Sidoo kale laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ayaa sheegtay in dib loo dhigi doono xafladaha gudoonsiinta ee dadka qaaatay dhalashada wadankaas, ilaa arinta xaalada Corona-viruska ay dhinac u dhici doonto.

Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan Riix, kadibna Subcribe dheh(Abonner).

Xigasho/kilde: Dansk parti ber om at håndtrykkskravet droppes for nye statsborgere.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments