Turkish Airlines oo joojisay duulimaadyada Norway iyo Turkiga.

0
136

Sida uu qoray wargeyska ka warama arrimaha socdaalka diyaaradaha ee FLYSMART24, shirkada diyaarada Turkish Airlines ayaa joojisay duulimaadyada sagaal wadan oo ay kujirto Norway. Si looga hortago faafitaanka caabuqa Corona-virus(Covid-19).

Turkish Norway ayaa laga bilaabo saaka aroortii(Sabti) joojisay ama xayiraad kusoo rogtay dhamaan duulimaadyadii ay ku tagi jirtay, kagana soo bixi jiray dalalka Norway, Germany, Faransiiska, Spain, Denmark, Belgimka, Austrlia, Sweden iyo Holland. Waxeyna xayiraadaas socon doontaa ilaa 17-ka bisha April ee sanadkan.

Diyaarada Turkish Airlines ayaa sheegtay labo mar maalintii ka duuli jirtay Oslo.Soomaalida ugu badan ee u safarta Muqdisho ama guud ahaan Soomaaliya ayaana aad u adeegsato duulimaadka Turkish Airlines.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments