Turkiga oo xabsi iyo tarxiilis isugu daray gudoomiyaha xisbiga xagjirka fog ee Sweden.

0
114
SD, Jimmie

Gudoomiyaha xisbiga soo galooti diidka dalka Sweden ee SverigesDemokratene, Jimmie Åkesson, ayaa Turkiga laga soo musaafuriyey kaddib markii ay booliisku su’aalo waydiiyeen, sida ay qoreen warbaahinta dalka Sweden.

Åkesson ayaa lasoo sawiray isaga oo warqado ka qaybinaya xadka Turkiga-Giriigga, kuwaasoo uu kusoo qoray ”Sweden waa buuxsantaya ee ha isku aadina”, taasoo ah caro xoogan ay ka muujiyeen dowlada Turkiga iyo ilaalada xuduudka u dhaxeeyo Turkiga iyo Giriiga.

Wakaaladda Anadolu iyo warqaadka Sözcu ayaa soo tabiysay in Jimmie Åkesson laga soo musaafuriyey Turkiga, waxaana lagu soo tarxiilay diyaarad u socotey Köpenhamn (Copenhagen) , sida ay qortay.  Dagens Nyheter.

Sawirrada laga qaaday dhacdadan ayaa muujinaya hoggaamiyaha SD oo ay gelbinayaan Booliiska Turkigu.

Markii jidka lasii waday ayaa la sheegay inay saxaafadduu sawirro ka qaadeen, taasoo uu Jimmie Åkesson uga jawaabey inuu isna sawirro ka qaado, taasoo ay markale ka xumaadeen Booliisku.

Ninka Xisbiga SD warfaafinta ugu qaysan ee Henrik Gustafsson ayaa dowladda Turkiga ku tilmamay ”mid foowdo ah oo aan ogolayn xorriyadda hadalka”, sida uu yiri.

”Qunsuliyaddeenna guud ayaa arrintan la socota, waxaana war rasmi ah ka sugaynaa Turkiga,” ayay tiri Sara Brynedal oo u hadashay Wasaarad Dibadeedka Sweden.

Xigasho/kilde: SDs Jimmie Åkesson med asylstunt på grensa mot Tyrkia: – Sverige er fullt.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments