Denmark: Labo qof wax ka badan ma kulmi karaan.

0
161

Dowlada denmark ayaa maanta baarlamaanka u gudbisay sharci kale oo ay rabto inay ku xakameyso faafitaanka xanuunak Corona-virus. Denmark ayaa rabta in la mamnuuco inay kulmaan wax ka badan labo qof halkii marba.

Denmark ayaa horey u maalmarisay sharci kan la xiriira oo ahaa in halkii marba aysan kulmi karin wax badan 10 qof, balse hada ayay hadana dowlada dalkaas rabtaa in tirada laga dhimo 10, lagana dhigo 2 qof.

Xukuumada dalkaas ayaa sidoo kale baarlamaanka u gudbisay sharci kale oo lagu soo jeediyay in dadka xada daawooyinka gacmaha lagu dhaqmo, ay muteysan karaan xabsi dhan 30 maalmood.

NB: Si aad u hesho wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, Fadlan halkan riix, kadibna Subcribe saar(Abonner).

Xigasho/kilde: Danmark vil forby flere enn to personer å møtes.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments