Dowlada Norway ayaa isbuucii hore soo saartay war ku saabsan in qoxootiga soomaalida ah ee magangalyada codsaday wixii ka horeeyay 27-kii maarso, buuxiyeyna shuruuda degenaanshaha wixii ka horeeyay taariikhdaas, ay xaq u lahaan karaan inay helaan magangalyo.
Waxaa xusid mudan in go´aanka UNE ee badalay kiiskii hore ee hey´adda UDI-da uu ka dhashay racfaan ay qaateen wiilal soomaali ah oo kamid ah dadkii ugu horeeyay ee lagu bilaabay magangalyo dib uga celinta. Halkan ka daawo.