Denmark: Haweeneydii 159 milyan musuq-maasuqday oo la xukumay.

0
109

Britta Nielsen oo aheyd haweeneydii ku eedeysneyd inay hey´adda taakuleynta danyarta ee dalka Denmark ka xaday 159-ka milyan ee kr, ayaa lagu xukumay lix sano iyo bar xabsi ah.

Haweeneydan ayaa mudadii u dhaxeysay 1993 ilaa October 2018 oo la qabtay koontadeeda gaarka ah ku dirsaneysay lacago loo qorsheeyay in lagu maalgaliyo howlaha taakuleynta danyarta. Waxaana arintaas ay uga faa´iideysatay booskeeda shaqo, iyada jago fiican oo shaqo Halkan kasii akhri

Dhowr qof oo katirsan qoyska haweeneydan, ayaa sidoo kale lagu xukumay xabsi ama waxaa ku socdo baaris, iyaga oo ku eedeysan inay haweeneydan kala qeybqaateen qarinta lacag ay xaday.

Xukunka maxkamada ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladu ay la wareego qeybo kamid ah hantida haweeneydan iyo xubnaha qoyskeeda, kuwaas oo looga shakisanyahay inay ka sameeyeen lacagtii ay dowlada ka xadeen.

Xigasho/kilde: Dansk kvinne funnet skyldig i gigantsvindel av Socialstyrelsen

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments