Warbaahinta: Towfiiq wuxuu sanadkii taageero dhaqaale u helaa 7,8 milyan nok.

0
106

Warbaahinta dalkan Norway ayaa maanta si xad dhaaf ah u hadalheyso khilaaf dhanka maamulka ah oo ka dhaxeeyo soomaalida Oslo, kuna saabsan maamulka masaajidka Towfiiq.

NRK ayaa xiriir la sameeyay labada dhinac ee soomaalida ah ee isku heysta maamulka masaajidka, wuxuuna mid walba dhankiisa sheegay fikirkiisa ku aadan khilaafka. Halkan kasii akhri.

Xafiiska gobolka Oslo ayaa NRK u xaqiijiyay inay joojiyeen lacagtii taageerada dhaqaale aheyd ee la siin jiray masaajidka Towfiiq, kadib markii ay soo gaareen labo waraaqadood oo ka kala socdo labo kooxood oo soomaali ah, kuwaas oo mid walba gaarkiisa u sheeganayo inuu yahay maamulka masaajidka.

Waxaa Towfiiq ka diiwaan gashan 7837 qof oo xubno ka ah masaajidka, kuwaas oo u badan taas oo ka dhigan in isku dar uu sanadkii masaajidku taageero dhaqaale u helo lacag dhan 7,8 milyan oo lacagta Norway ah.

Xafiiska gobolka Oslo ayaa NRK u xaqiijiyay in masaajidku uu toos u lumin karo taageerada dhaqaale ee dowlada, hadii aan xal laga gaarin khilaafka u dhaxeeyo kooxaha soomaalida.

Xigasho/kilde: Statsstøtte til Norges største moské frosset på grunn av konflikt

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments