Hey´adda saadaasha cimilada ayaa sheegtay in maalinta beri ah ee khamiista uu magaalada Oslo iyo gobolada ku xeeran ka di´i doono baraf xoogan oo meelaha qaarkood gaari kara ilaa 15 cm.
Waxeyna hey´addu sheegtay in isbuucyada soo socdo uu si fiican u bilaaban doono barafka xiliga qaboobaha oo maalmihii lasoo dhaafay ka maqnaa qeybo badan oo dalka kamid ah.
Hey´adda gaadiidka iyo wadooyinka ayaa dhankeeda u digeyso baabuurleyda, waxeyna kula talineysaa inay arintan kusii talagalaan, ayna si taxadar leh u wadaan baabuurta.