Waxaa maanta soo baxday fadeexad weyn oo ku hey´adda NAV, taas oo ku saabsan fasiraada xeerarka iyo sharciyada hey´addaas qabta. 2400 qof ayaa lacag ay xaq u lahaayeen laga soo celiyay, halka 48 qofna lagu xukumay xabsi.
Bjørnar Moxnes oo ah gudoomiyaha xisbi-yaraha mucaaradka ah ee Rødt, ayaa sheegay in xisbigiisu uu qeyminayo mooshin xilka looga qaadayo wasiirada shaqada, Anniken Hauglie. Waxaana fikirkan la qabo
Gudoomiyaha xisbiga SV ayaa sidoo kale arintan ku tilmaamay fadeexad weyn, wuxuuna codsaday in wasiirada shaqada ay hortimaado baarlamaanka.