Caafimaadka maskaxeed ee ninkii masaajidka weeraray oo la baari doono.

0
172
Foto: TV-Skjermdump

Maxkamada Bærum ayaa maanta magacawday Sadex khabiir oo aqoon u leh caafimaadka maskaxda qofka, si ay u baaraan caafimaadka maskaxeed oo Philip Manshaus oo ahaa ninkii ka danbeeyay weerarkii masaajidka Al Noor ee Bærum.

Ninkan ayaa qirtay dilka gabar Walaashii ah oo uu dilay saacad kahor inta uusan masaajidka weerarka ku qaadin, wuxuuna horey u sheegay inuu rabay inuu masaajidka ku dilo dadka ugu tirada badan.

Sadexda qof oo ay maxkamadu magacowday ayaa soo baari doono in caafimaad ahaan, ninkan loo ciqaabi karo danbiga lagu soo eedeeyay ee dilka iyo isku deyga dileed ah.

Waxeyna sidoo kale soo kala cadeyn doonaan, sida ay boolisku sheegeen, in maskaxdiisu ay dhameystirneyd caafimaad ahaan xiliga uu falkan geysanayay.

Ninkan ayaa xabsiga kujiray ilaa markii laga soo qabtay masaajidka, waxeyna boolisku mar kale dhawaan la dalban doonaan in loo cusbooneysiiyo mudada xabsiga.

Xigasho/kilde: Tre sakkyndige er oppnevnt for å gjennomføre den rettspsykiatriske undersøkelsen av terror- og drapssiktede Philip Manshaus (22).

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments