torsdag, april 25, 2024

Maamulka Trump oo malaayiin dollar u balanqaaday kaptanka Markab Iran laga leeyahay.

Isha warka: BBC-SOMALI

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa xaqiijisay in ay malaayiin doolar u soo bandhigtay kabtankii waday markabka Iiraan ee saliidda waday si uu ugu wareejiyo, markabkaas ayaa horseeday muran dublamaasiyadeed.

Brian Hook oo madax ka ah Iran Action Group ayaa email u qoray kabtankii waday markabka Adrian Darya 1 si uu u geeyo goob uu Maraykanku ka qabsan karo.

Markabkaas ayaa looga shakiyay in uu shidaal u waday Suuriya. Masuuliyiinta Gibraltar ee dawladda UK ayaana si ku meel gaar ah u qabtay bishii Luulyo.

Bishii hore ayaa la sii daayay ka dib markii ay Iiraan caddaysay meesha uu u socdo.

Wasaaradda caddaaladda oo isku dayday in ay hor istaagto sii dayntaas, ayaa markii dambe soo saartay amar lagu xirayo markabkaas shidaalka qaada.

Warka sheegaya in la rabay in lacag la adeegsan rabay ayaa markii u horraysay ka soo muuqday wargeyska Financial Times Arbacadii, waxaana arrintaas xaqiijiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

«Kabtanno badan iyo shirkaddo badan oo arrimaha marakiibta la shaqeeya ayaan la xiriirnay» ayay tiri afhayeen la hadashay wakaaladda wararka ee AFP.

Maraykanka ayaa diiwaanka madaw galiyay markabkaas Jimcihii, War ka soo baxay waaxda maaliyadda ayaana lagu sheegay in markabkaas loo adeegsaday in lagu qaado 2.1 milyan oo foosto oo shidaal ka cayriin ee Iiraan ah, arrintaasna ay ka faa’iidayaan Ilaalada kacaanka Iiraan.

Sida uu daabacay Financial Times, Hook ayaa email u diray Akhilesh Kumar oo ah kabtanka markaba Adrian Darya 1, kaas oo u dhashay dalka Hindiya.

«War wanaagsan ayaan kuu soo qorayaa,» ayuu yiri emailkuna sidan ayuu u qornaa. Maamulka Trump wuxuu doonayaa in uu malaayiin doolar siiyo kabtanka si uu markabka u geeyo meel uu Maraykanku ka qabsan karo.

Taleefanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu qoray emailka si kabtanku uusan ugu qaadan in fariintu ay been abuur tahay.

Hook ayaa wargeyska u sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda «ay si dhaw ula shaqaynayso dadka ku lugta leh arrimaha badaha si loo carqaladeeyo loona hor istaago ganacsiga shidaalka sharcidarrada ah.

Kumar ayaa iska indha tiray email-ladii loo diray. Maraykanka ayaa markaas cunaqabatayn shaqsi ah saaray, ka dib markii ay diiwaanka madaw galiyeen markabka Adrian Darya 1.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x