Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka Norway, Jan Tore Sanner ayaa dalbaday in hey´addaha amniga iyo kuwa soo galootigu ay si degan u wada shaqeeyaan, si looga badbaado qaladaad dhaca.
Wasiirka oo tusaale ka dhiganaya ninka ku eedeysnaa danbi argagaxisnimo ee helay baasaboorka Norway, ayaa sheegay inuu rabo in PST-da, Booliska iyo waliba UDI-da, ay si hoose oo wadajir ah u wada shaqeeyaan.
Jan Tore ayaa raaciyay inay muhiim tahay in hey´addahaas ay wadaagaan xogta dadka ay ku socoto baaritaanka la xiriira danbiyada halista ku ah amniga qaranka iyo danaha Norway ee dibadda.

Arintan ayaa timid kadib markii nin ku eedeysnaa fal argagaxisnimo, ayna ku socotay baaris la xiriirta danbigaas uu helay baasaboorka iyo dhalashada Norway.
UDI-da ayaa sheegtay inaysan ogeyn baarista ninkaas ku socotay marka ay ka shaqeynayeen codsiga minkaas, warbixina aysan ka helin hey´addaha amniga.
Maxkamad kutaal dalka Italy ayaa ninkaas ku xukuntay 7 sano oo xabsi ah, balse Norway Ayaan ninkaas u gacan galin karin Talyaaniga, maadaama uu heysto dhalashada Norway, uuna yahay muwaadin.
Wasiirka ayaa maalin kahor UDI-da ku amray inay furaan kiis ninkaas looga celinayo baasaboorka Norway.