Qareen raba in Per Sandberg uu markhaati ka noqdo kiiska wadaadka Mulla Krekar

0
78
Foto: Youtube

Qareenka u doodayo wadaadka Mulla Krekar, Brynjar Meling ayaa sheegay in dhamaan siyaasiyiinta horey u sheegay inay Krekar wadanka ka bixin doonaan, looga wici doono kursiga markhaatiga ee dhageysiga dacwada kiiska wadaadka.

Qareenka ayaa si gaar ah u xusay in wasiirkii hore ee kaluumeysiga, Per Sandberg looga wici doono kursiga markhaatiga ee dhageysiga kiiska Krekar.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Dowlada Talyaaniga ayaa shaley dalbatay in loo soo gacan galiyo Mulla Krekar oo ku eedeysan danbi argagaxisnimo ah, waxeyna maxkamad Talyaaniga kutaal Krekar ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah.

Qareenka Krekar ayaa shaley isna dhankiisa gudbiyay racfaan uu ku dalbanayo in xabsiga looga sii daayo Krekar, isaga oo sheegay inaysan jirin sabab sharci ah oo xabsiga loogu hayo.

Qareenka ayaa sidoo kale sheegay inay sameyn doonaan wax walba oo looga hortagi karo in Krekar loo gacan geliyo dowlada Talyaaniga ee dalbatay in loo soo gacangaliyo. Wuxuuna Brynjar Meling sheegay in dalbashada Talyaanigu ay ku timid codsi yimid dowlada Norway.

Xigasho/kilde: Meling vil stevne Per Sandberg som vitne

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments