Qofkee ayaa codeyn kara doorashada golaha deegaanka?

0
143

Waxaa dhawaan dalkan Norway ka dhici doonto doorashada golaha deegaanka, taas oo ah mid dhacda afartii sanaba halmar.

Doorashada golaha deegaanka ayaa ah mid loogu talagalay in dadku ay kusoo doortaan xubnaha golaha deegaanka ee maamuli doono dowlada hoose ee magaalada ama kommunka uu qofku deganyahay.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Yaa codeyn kara doorashada:

Doorashada golaha deegaanka ayaa ah mid sharci ahaan ay codeynteedu ka fududahay tan baarlamaanka, waxaana dadka ajaaniibta ah ee aan wali noqon muwaadiniinta, loo ogolyahay inay ka qeybqaataan codbixinta doorashada.

Waxaa doorashada codeyn kara:

  • -Qofkii da´ahaan buuxiyay 18 sano.
  • Isla markaana sifo sharci ah Norway ku degenaa sadexdii sano ee ugu danbeysay.

Qasab miyaa inuu qofku degenanaasho heysto:

Maya, degenaansho la´aan ayuu qofku ka qeybqaadan karaa codbixinta doorashada. Hadii uu wadanka sifo sharci ah ku degenaa sadexdii sano ee ugu danbeysay.

Sida ku tusan boga doorashada, Qasab ma ahan inuu qofku heysto sharciga degenaanshaha Norway, si uu u codeeyo. Waxaa waajib ah oo kali ah inuu wadanka sifo sharci ah ku degenaa sadexdii sano ee ugu danbeysay, uuna ku lahaa adress ama deegaan.

Xigasho/kilde: Valgdiraktoratet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments