Sida uu qoray wargeyska Aftenposten oo helay xog hoose, wuxuu mar kale uu dib u dhac ku yimid qorshah dowlada ee ahaa in muwaadiniinta Norwiijiga ah la siiyo kaararka aqoonsiga qaran(sawirka).
Sweden iyo wadamo kale ee Yurub ayaa intooda badan leh kaarka aqoonsiga qaran, taas oo qofku u sahleyso inuu safarada gaagaaban uga maarmo wadashada baasaboorka.
Norway ayaa 10 sano sheegtay inay sameyn doonto qorshe noocaas oo kale, balse waxaa mar kale hada dib u dhacay bixinta kaararkaas.
Sida uu Aftenposten sheegay xiliga ugu horeysa ee bixinta kaararka la bilaabi karo, ayaa noqoneysa bilowga sanadka 2020-ka.