torsdag, mars 28, 2024

Israel oo Ilhaan Cumar u diiday inay dalkaas soo gasho, kahor inta aysan hadana ogolaan.

Xildhibaanada asalkeeda soomaalida yahay ee Ilhaan Cumar iyo Rashiida Daalib oo asal ahaan reer Falastiin ah, ayaa maalintii shaley aheyd loo diiday inay galaan gudaha Israel.

Ilhaan iyo Rashiida ayaa ka wada tirsan gudiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Mareykanka, waxeyna diidistooda keentay dood xoogan oo ku saabsan in Isreal aysan qadarin u xeynin xubnaha aqalka Mareykanka.

lhaan Cumar iyo Rashida Dhaalib ayaa lagu waday toddobadka soo socda inay booqasho ku tegaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed iyo bariga magaalada Qudus.

Labadan gabdhood ee ka wada tirsan aqalka Congareska ayaa taageeray tallaabo cunaqabateyn lagu saarayo Israa’iil balse sharciga Israa’iil ayaa ogolanayaa in tageerayasha ololahaas in laga mamnuuci karo inay booqasho ku tegi karaan Israa’iil.

Madaxweyne Trump ayaa horraan ku baaqay in labadan xildhibaan laga mamnuuco inay booqdaan Israa’iil isla markaasna ay neceb yihiin Israa’iil iyo dadka Yuhuudda.

Ilhaan Cumar waxay ku tilmaantay tallaabada Israa’iil «Inay ku tumaneyso mabaadii’da dimuqraadiyadda, waana jawaab laga naxo in saraakiil ka tirsan dowladda in laga mamnuuco inay booqasho ku tegaan dal saaxib la ah»

Trump waxaa uu sheegay in khalad weyn ay tahay waa haddii Ilhaan Cumar iyo Rashid Taib loo ogolaado inay booqdaan Israa’iil.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Dhaalib waxay labaduba ay ka wada taageersanyihiin qadiyadda reer Falastiin, waxaa ay kasoo horjeedaan Israa’iil balse waxay beeniyeen inay neceb yihiin dadka Yuhuudda.

Rashiida waxay qorsheyneysay inay booqato ayeeydeed oo ku nool maamulka Falastiin.

Ilhaan Cumar: Waa wax laga xumaado.

Ilhaan Cumar ayaa soo saartay qoraal ay uga jawaabeyso tallaabada Israa’iil ay ugu diiday in dhulkeeda ay galaan iyada iyo xildhibaan kale oo lagu magacaabo Rashida Dhaalib.

«Xubin ahaan oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda (Congress-ka), waa shaqadeyda in aan la socdo kaalmada caalamka ee Mareykanka uu bixiyo iyo sharciyeynta ku dhaqanka xuquuqda aadanaha e daafaha caalamka», ayey Ilhaan ku qortay warbixin at ku baahisay boggeeda Twitter-ka. 

«xayiraaddii Trump ee Muslimiinta uu saaray waa tallaabada ay Israa’iil meel marineyso, markan waxaa la bartilmaameedsaday laba xubin oo si sharci ah loogu doortay aqalka Congress-ka». 

«Waxaa wax laga xumaado ah in arrintan aysan la yaab lahayn, marka loo eego dhanka bulshada, kaas oo si joogto ah oga goos haysta dadaallada nabadda», ayey tiri Ilhaan.

Israel ayaa ugu danbeyn Ilhaan iyo Rashiida u ogolaatay inay galaan gudaha Israel, kadib cadaadis ka yimid xubnaha aqalka baarlamaanka.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x