Daraasad laga sameeyay kalsoonida ay dadku ku qabaan shaqada xukuumada reysulwasaare Erna Solberg, ayaa lagu ogaaday in 50% dadweynaha aysan kalsooni ku qabin shaqada xukuumada.
Daraasadan oo lagu soo bandhigay isbuuca Arendal, ayaa muujineysa in kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan xukuumada Solberg ay hoos u dhacday 10%, maadaama sanadkii hore xiligan oo kale ay 60% dadweynuhu kalsooni ku qabeen Solberg.

Arintan ayaa loo sababeeyay in natiijada shaqada xukuumada iyo fariimaha ay dadweynaha u gudbiyaan aysan aheyn mid cad oo la fahmi karo.
Sidoo kale kalsoonida ay dadweynuhu ku qaldaan baarlamaanka Norway, ayaa iyadana dhankeeda hoos u dhacday 3%, waxeyna 67% dadweynuhu sheegeen inay shaqada xukuumada ku kalsoonyihiin. Halka sanadkii hore ay tiradaas aheyd 70%.
Xigasho/kilde: Én av to nordmenn har lav tillit til regjeringen