Ra´yi uruurin la sameeyay oo natiijo hoose siisay Venstre iyo Frp.

0
129
Foto: Skjermdump/nrk

Ra´yi uruurin uu sameeyay TV-ga NRK, soona baxday bishan August ayaa muujineyso in hoos u dhac balaaran oo dhanka taageerada ah uu ku yimid xisbiyada Venstre iyo Frp oo xukuumada ka wada tirsan.

Frp ayaa helay 6,8 % codadka la uruuriyay halka Venstre ay helgen 2,3 % codadka la uruuriyay. Waxaana labadan xisbi ku yimid hoos u dhac u dhaxeeyo 0,4 ilaa 0,7 % marka loo fiiriyo cod uruurintii bishii hore.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirkan ama qoraalkan)

Terje Søviknes oo ah gudoomiye ku xigeenka Frp ayaa sheegay in codbixintan ay tahay mid hooseyso, ayna muhiim tahay inay natiijada kor u qaadaan kahor doorashada sagaalka September ee sanadkan.

Natiijada cod uruurinta NRK ee xisbiyada ayaa sidaan noqotay:

Ap 27,3 %, Høyre: 23,0 %, Sp: 12,2 %, MDG: 7,0 %, Frp: 6,8 %,

KrF: 4,3 %, Rødt: 3,8 %, FNB: 3,7 %, Xisbiyada kale: 3,5 %, Venstre: 2,3 %.

Xigasho/kilde: Krisemåling for Venstre og Frp

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments