Ra´yi uruurin uu sameeyay TV2 ayaa lagu ogaaday in xisbiga Frp, uu heysto 7,5 taageerada dadweynaha Norway. Taas oo ka dhigan hoos u dhicii ugu weynaa ee xisbigaas ku imaado, tan iyo sanadkii 1995.
Hadii codbixintaas lagu cabiro, wuxuu xisbiga Frp heli lahaa 12 xildhibaan oo kali ah, halka ay hada baarlamaanka ku leeyihiin 27 xildhibaan.
Frp ayaa lumiyay kala bar taageerayaashii ay heysteen lix sano mahor, iyada oo hada ay doorashada golaha deegaanka ka dhimantahay 2 bilood oo kali ah.
Xigasho/kilde: TV 2-måling: Dårligste oppslutning for Frp på 24 år.