Nordland: 30 shaqaale ka shaqeynayay barnevernka, ayaan heysan cadeynta booliska.

0
157

Sida uu qoray NRK, maamulka Gobolka Nordland ee woqooyiga dalkan Norway, ayaa baaritaan ku sameeyayshan shan xarumood oo kamid ah xarumaha hey´adda barnevernka ee gobolka Nordland .

Waxeyna sadex kamid shantaas xarumood ka heleen 30 shaqaale ah oo barnevernka u shaqeeyo, kuwaas oo aan heysan warqada cadeynta ee booliska(Politiattest).

Kala xiriir 45970350 ama booqo webkooda(Riix sawirka).

Warqada cadeynta booliska(Politiattest) ayaa ah mid muujineyso in qofku uusan danbi galin, waxaana dhamaan shaqaalaha u shaqeeyo barnevernka waajib ku ah inay warqadaas booliska ka keensadaan, kahor inta aysan shaqada xaruntaas bilaabin.

Merete Troll oo katirsan maamulka gobolka Nordland ayaa NRK u sheegtay in arintaas ay tahay mid wel-wel leh, waxeyna sheegtay in khatar u keeni karto caruurta kunool xarumaha barnevernka.

Maamulka gobolka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan baaritaanka, si ay u hubiyaan in xarumahaas ay u shaqeeyaan qaabkii loogu talagalay.

Xigasho/kilde: 30 barnevernsansatte i Nordland hadde ikke gyldig politiattest

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments