Daawada cudurka sonkorta oo gabaabsi kusii ah Norway oo dhan.

0
424
Foto: Getty

Sida ay sheegtay hey´adda dabagalka iyo la socoshada daawada u qaabilsan dowlada Norway(Legemiddelverk), waxaa guud ahaan Norway gabaabsi ku ah daawada cudurka sonkorta, noociisa labaad(diabetes type 2).

Metformin oo ah daawo loogu talagalay inay dajiso heerka sonkorta dhiiga kujirto, ayna qaataan dadka qaba cudurka sonkorta nooca labaad, ayaa laga waayay inta badan farmashiyada daawooyinka Norway.

Kala xiriir 45970350 ama booqo webkooda(riix sawirka)

Steinar Madsen oo katirsan hey´adda, ayaa sheegay in arrintan ay saameyn ku yeelan karto kumanaan qof oo u baahan inay si joogto ah u qaataan daawadaas.

sanadkii lasoo dhaafay oo kali ah, dhakhaatiirta Norway ayaa 122.000 qof u qoray daawadaas.

Dhakhtarada ayaa hada lagu wargaliyay inay dadka u qori karaan daawooyinka ah ee saameyn ahaan ka agdhow daawadaas. ilaa inta uu ka heli doono daawada Metformin.

Xigasho/kilde: Mangel på medisin kan ramme flere tusen diabetikere.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments