Sida lagu ogaaday daraasad ay sameysay xarunta Ipsos, 67 % dadka Norwiijiga ah ayaa cabsi ka qaba in madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin uu khatar ku yahay nabadda aduunka.
Tirada dadka Norwiijiga ah ee aaminsan in Putin uu khatar ku yahay amaanka iyo nabadda caalamka, ayaa sanadkii hore xiligan oo kale aheyd 45%. Waxaana hada ku yahay kor u kac aad u balaaran.
25% dadka xog uruurinta daraasada laga sameeyay ayaa sheegay in Putin uu halis sidaas usii weyn ku aheyn amniga caalamka.
Ipsos ayaa xog uruurintan u sameysay wargeyska Dagbladet