10 sano kadib ayaa meydkiisa laga helay dukaankii uu ka shaqeynayay.

0
87
Murillo-Moncada.

Booliska Mareykanka ayaa sheegay in meydka Larry Ely Murillo-Moncada oo ilaa 2009-kii lala’aa laga helay firinjeer hoostii oo yaalay goob laga dukaamaysto oo haatan xiran, haalkaas oo uu ninkan horay uga shaqayn jiray.

Baarayaasha ayaa sheegay in Larry Ely Murillo-Moncada, oo 25 sano jir ahaa ay u muuqatay in uu si ula kac ah firinjeerka u dhex-galy.

Baarayaasha ayaa sidoo kale sheegay in ay u badan tahay in colcolaaddiisii uu ku codsanayay caawinaadda ay qarisay dhawaqa ka soo baxayay firinjeerada.

Kala xiriir 45970350 ama bono webkooda(Riix Sawirka kore)

Meydkiisa ayaa waxaa bishii Janaayo laga helay baqaarka oo in ka yar hal meel u jira halkii uu ku noolaa, balse jirkiisa aad ayuu u googo’ay oo xitaa waala garan waayay ilaa toddobaadkii tagay ka dib markii la baaray.

»Way adagtahay in kiisaska noocaan oo kale ah aad maqasho, dadka qaar waxaa meydkooda laga helaa darbiyada dhex-dooda,» ayuu yiri Sgt Danielson oo markii ugu horreysay kiiskaan loo xilsaaray sannadkii 2009-kii.

«Markastaa waxaanu aragnaa kiisas ku saabsan dad la la’yahay, laakiinse kiiskan waa mid ka duwan kuwii hore,» sidaas ayuu Isniintii u sheegay KETV oo ku taalla Nebraska.

Murillo-Moncada waxaa maqnaanshiyihiisa booliska lagu wargeliyay maalin uun ka dib markii la waayay.

»Waxaa uu ka tagay furayaashiisa iyo gaarigiisaba,» waalidiintiisa ayaa sidaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah, ka dib markii la waayay.

«Wuxuu maqlayay codad dhahayay ‘sokor cun,’ »ayay tiri hooyadii sannadkii 2009-kii.

«Waxuu dareemay wadno garaac aad u xooggan marka waxuu ku fakaray haddii uu sokor cuno, in uu wadna garaaca ka yaraanaya.»

Meydkiisa ayaa waxaa helay fuundiyo fur-furayay iskafaalaha dukaankaasi.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI.COM

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments