Xeer ilaalinta oo la wareegtay kiiska dacwada Keshvari

0
100
Foto: Stillebilde/Youtube

Booliska magaalada Oslo oo bilhii ugu danbeeyay baaritaan ku hayay kiis dacwad ka dhan ah siyaasi Mazyar Keshvari oo katirsanaa xisbiga Frp, ayaa hada sheegay inay soo gaba-gabeeyeen baaritaankooda.

Booliska ayaa kiiska dacwada ku wareejiyay xeer ilaaliyaha Norway, kaas oo dacwada kusoo oogi doono Keshvari, marka kiiskiisu uu maxkamada ka furmo.

Keshvari ayaa ku eedeysan labo dacwadood oo waaweyn, mida koowaad oo ay hada boolisku soo dhameeyeen baaristeeda, ayaa ku saabsan wax is dabo marin dhaqaale. Isaga oo lacag uusan xaq u laheyn oo gaareysa 300.000 kr, ka qaadan jiray baarlamaanka Norway.

Xeer ilaaliye Jens Olav Sæther ayaa xaqiijiyay war uu qoray wargeyska ABC Nyheter, isaga oo sheegay in kiiska uu hada gacantooda soo galay. Balse aysan ka hordhici doonin, inta si rasmi ay usoo gaby-gabeynayaan baaritaanka.

Keshvari ayaa sidoo kale ku eedeysan hanjabaad dil, oo uu u geystay qof haweenay ah. Wuxuuna hada fasax Shaqo kaga maqanyahay shaqada baarlamaanka. Isaga oo sugaya labo kiis maxkamadood oo isaga ka dhan ah.

Xildhibaan Keshvari oo ahaa afhayeenka arimaha soo galootiga xisbiga Frp, ayaa asal ahaan kasoo jeedo dalka Iiraan. Wuxuuna Norway qoxootinimo ku yimid caruurnimo. Keshvari ayaa intii uu katirsanaa Frp, waxaa lagu xasuustaa inuu ku cel-celin jiray in dadka danbiyada gala ee soo galootiga ah, laga tarxiilo Norway. Isaga oo xildhibaan ah, ayaa markan maxkamad kasoo muuqan doono.

Xigasho/kilde: NTB-NETTAVISEN

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments