Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo saacado kooban booqasho ku joogi doono Norway.

0
105
Foto: Twitter-MOF-SOMALIA

Wasiirka arrimaha dibadda dowlada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu soo gaaro Norway, isaga oo Talaadada wax ka furi doono shirka madasha Oslo Forum.

Sida ku xusan bogga wasaarada arrimaha dibadda dowlada Norway, wasiir Cawad ayaa subixa Isniinta soo gaari doono Oslo. Wuxuuna galabta isniinta ka qeybali doonaa casho wadar ah oo wasaaradda arimmaha dibadda Norway ay u fidisay wufuuda ka qeybgaleyso shirka madasha Oslo Forum.

Isaga oo subaxa Talaadada ka qeybgali doono furitaanka shirka madasha Oslo Forum, wuxuuna isla galabta Talaadada ka duuli doonaa Oslo.

Sida ay NorSom News u xaqiijiyen ilo ka agdhow wasiirka, wasiirka ayaa safarkiisa Norway soo gaabiyay, kadib markii lagu casuumay shir Arbacada ka dhici doono Adiss Ababa, loona qaban doono dhinacyada ku loolamaya awooda dalka Suudaan.

Shirka Madasha Oslo Forum, ayaa sanadkii sadexaad oo xiriir ah, waxaa ka qeybgali doono wufuud ka socoto Soomaaliya. Sanadkii hore, waxaa wax ka furay reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Kheyre, sanadkii 2017 waxaa joogay wasiirkii arrimaha dibadda ee xiligaas, Yuusuf Garaad Cumar.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments