Wasiiradda arimaha dibadda Norway oo Muqdisho ka dagtay

0
167
Foto: Hamse Jama Ibrahim

Wasiiradda arimaha dibadda dalkan Norway, Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa maanta booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay, reysulwasaare ku xigeenka dowlada Soomaaliya, Mahdi Khadar Guuleed.

Inne ayaa noqoneyso wasiirkii labaad ee arimaha dibadda dalkan Norway, ee safar ku taga Soomaaliya mudo labo sano ah. Horey waxaa sanadkii 2017, Soomaaliya tagay wasiirkii arimaha dibadda Norway, ee xiligaas, Børge Brende.

Lama shaacin ujeedada safarka Inne ee magaalada Muqdisho, waxaase la filayaa inay kulamo la qaadatom madaxda dowlada Soomaaliya. Wixii kusoo kordha ama war ah oo laga soo Saaro booqashada wasiirada ee Muqdisho, dib Ayaan kasoo galin doonaa.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments