Taajirka Olav Thon oo 95-sano jir ku guursanayo.

0
132
Olav Thon Foto: Wikipedia

Olav Thon oo ah mid kamid ah ganacsatada ugu taajirsan, uguna magaca dheer Norway ayaa maanta ku aqal gali doono Oslo. Isaga oo da´diisu ay hada buuxisay 95 sano.

Olav oo ah milkiliilaha shirkada Olav Thon Gruppen, ayaa la aqal gali doono saaxiibtii Sissel Berdal Haga oo ay wada socdeen 30-kii sano ee ugu danbeeyay. Sissel oo da´deedu ay tahay 79 sano ayaa 16 sano ka yar Olav thon.

Olav Thon xili ahaa qofka ugu taajirsan Norway, ayaa iska leh milkiyada boqolaal Hotell oo kuyaal magaalooyinka waaweyn ee Norway, Sweden, Danmark, Belgia iyo wadamo kale oo caalamka ah. Waxey sidoo kale shirkadiisa Olav Thon Gruppen maamushaa sentero ganacsi, maqaaxiyo, xafiisyada ganacsiga iyo boqolaal guryo ah oo kuyaal Woqooyiga Yurub.

Olav ayaa caan ku ah xirashada koofiyada guduudan ee uu madaxa ku wato mar walba iyo goob walba. Waxaana koofiyadaas u toshay haweeneydan uu hada la aqal gali doono ee Sissel Berda Haga.

Sissel Berda ayaa horey u ahaan qaadi maxkamadeed, wuxuuna aqalgalkooda ka dhici doonaa hotellka Bristol ee Oslo, oo kamid ah hoteelada Olav Thon Gruppen.

Duqa magaalada Oslo, Mariane Borgen ayaa isku nikaaxin doonto Olav iyo Sissel.

Xigasho/kilde: Dagbladet: Olav Thon (95) skal gifte seg

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments