Sweden: Hey´adda Nabad sugida oo Sweden ka tarxiileyso labo wadaad.

0
85

Laba imaam oo uu midkood ka yimid magaalada Umeå, ayaa lagu wadaa in laga musaafuriyo dalka Sweden, sida ku cad go’aan ka soo fuley Waaxda Socdaalka dalka Sweden.

Imaamyadan oo kala deggan magaalooyinka Gävle iyo Umeå iyo wiil uu dhalay imaamka reer Gävle oo ay wehliyaan 3 qof oo kale ayaa gugan dhexdiisa xiritaankooda loo cuskaday codsi ka yimid ciidamada nabad sugidda ee Säkerhetspolisen oo loo soo gaabiyo Säpo.

War saxaafadeed kasoo baxay hay’adaha amaanka ayaa lagu xusay in raggani ay ka shaqaynayeen howlo xag-jirayn ah oo dhalin kara inay abuuranto bay’o ay ku korto xag-jirnimada gacan ka hadalku wehliyo.

Xiritaanka raggan ayaa loo cuskaday xeer gaar ah oo fasaxaya in isha lagu hayo dadka qaar sida soo galootiga, kaasoo hay’aadka amaanka xaq u siinaya in ay codsan karaan in dalka laga musaafuriyo dadka loo arko inay halis ku yihiin amaanka.

Waana sharci ay aad u dhaleeceeysay jamciyadaha sharci yaqaannada Sweden ee Sveriges advokatsamfundet oo ku doodaysa in dadkan aan la siinin xuquuq la mid ah midda la tuhunsaneyaasha iyaga la midka ah ee dembiyada loo haysto.

Go’aanka lagu musaafurinayo imaamyadan oo ay gaartey Waaxda Socdaalka ayaa rafcaan looga qaadan Maxkamadda Socdaalka, kaddib ayay misna dowladda Sweden go’aankaa dib u eegi doontaa

Xigasho/kilde: Sverigesradio.se

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments