Oslo: 52 jidgooyo(bom) cusub oo xaley wadooyinka Oslo lagu xiray.

0
114

Xaley oo taariikhdu ay ku beegneyd kowda bishan Juni, waxaa wadooyinka magaalada Oslo lasoo dhigay 52 jidgooyo cusub(Bomstasjon), kuwaas oo qeyb ka ahaa qorshaha golaha deegaanka Oslo ee balaarinta jidgooyooyinka lacagta looga qaado baabuurleyda.

Waxeyna ku biirayaan 31 jidgooyo oo horey u yaala wadooyinka magaalada, taas oo wadarta jidgooyinka -lacageed ee yaala magaalada ka dhigeysa 83.

Waxaa intaas dheer in qofku uu hada lacag bixin doonto soo galitaanka iyo ka bixitaanka magaalada, halkii markii hore ay aheyd soo galitaanka kali ah.

Arintan ayaa sii kordhin doonto carada ay dadka baabuurta leh ka qabaan jidgooyinka lacagta looga qaado, waxeyna sida la filayo kordhin kordhin doontaa taageerada dadweynaha ee xisbiga kasoo horjeedo arintan.

Waxaa maanta Oslo laga filayaa inay dhacaan banaanbaxyo looga soo horjeedo jidgooyooyinkan cusub.

Halkan ka fiiri goobaha lasoo dhigay jidgooyooyinka cusub iyo qiimaha saacadaha kala duwan:

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments