Laanta saadaasha hawada Norway, ayaa saadaalineyso in maalinta sabtida iyo axada nagu soo beegan, uu heer kulka gobolada qaar gaari karo 30 D iyo wax ka badan.
Gobolada koonfurta ayaa sabtida la saadaalinayaa in heer kulku uu gaari karo 30°, halka gobolada bariga la saadaalinayo in kuleylku uu gaari karo 25 ilaa 28 C°.
Laanta saadaasha hawada ayaa sheegtay in maalmaha ka danbeeyo Isniinta uu hoos u dhici doono heer kulka cimilada, isla markaana gobolada qaar laga filan karo roob xoogan.
Wadamada Yurub qaarkood ayaa waxaa maalmahan ka jiray kuleyl gaaraya 35 C°.