Frp: Afgaanistaan halaga gooyo lacagta deeqda, hadii ay qaabili weydo qoxootiga Norway laga celiyo.

0
100
Foto: Youtube/Stillebilde

Dowlada dalka Afgaanistaan ayaa maalmo kahor diiday inay qaabisho dhalinyaro qoxooti ah oo laga tarxiilay dalkan Norway, waxaana dhalinyaradaas dib loogu celiyay Norway. Halkan ka akhri warka arintaas ku saabsan

Afhayeenka Arimaha soo galootiga ee xisbiga Frp, Jon Helgheim ayaa ku goodiyay in Afgaanistaan ay si fiican ay u fekeraan kahor inta aysan mar kale diidin qoxooti dalkaas kasoo jeedo oo Norway laga celiyay.

Norway ayaa sanadkii lasoo dhaafay Afgaanistaan deeq ahaan siisay lacag gaareyso 800 milyan oo lacagta Norway ah.

Jon Helgheim ayaa aaminsan in Afgaanistaan aysan xaq u laheyn qaadashada lacagtaas, hadii ay qaabili weydo qoxootiga wadankeeda u dhashay ee diidmada ka heysta Norway.

Frp ayaa aaminsan in deeqaha ay Norway bixiso ay ku badalato heshiisyo dib u celin uu u fududeeya celinta qoxootiga dalkaas kasoo jeedo ee Norway aan ka helin magangalyada.

Xigasho/kilde: Afghanistan har 800 millioner gode grunner til å ta imot asylsøkere fra Norge

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments