Aftenposten oo la kulmay labadii gabdhood ee Soomaalida ahaa ee Siiriya aaday.

0
96
Labada gabdhood ee walaalaha ah Foto: Interpol

Sanadkii 2013, labo gabdhood oo soomaali ah, oo xiligaas jiray 16 iyo 19 sano kala ahaa, ayaa ka tagay magaalada Bærum, aadeyna dalka Siiriya oo xiligaas ay ka socdeen dagaalo sokeeye.

Sheekada Labadan gabdhood ee walaaha ah, oo warbaahinta Norway ay aad u hadalheysay sanadii lasoo dhaafay, ayaa hada lasoo warinayaa inay noolyihiin, walina ku suganyihiin dalka Siiriya. Wargeyska Aftenposten ayaa xaqiijiyay inay labadaas gabdhood kula kulmeen xerada qoxootiga al-Hol ee dalka Siiriya.

Labadan gabdhood oo hada da´ahaan kala jira 22 iyo 25 sano, ayaa heysto caruur ay sheegeen in aabayaashood ay ku dhinteen dagaalkii ka socday Siiiriya. Waxeyna sheegeen inay rabaan, in ayaga iyo caruurtoodaba lagu celiyo, ayna ku noolaadaan Norway.

Gabdhahan soomaalida ah, ayaa sheegay ineysan sameyn ama ka qeybqaadan war fal danbiyeed ah. Ayna Siiriya u tageen caawin dad dhibaateysan.

Dowlada Norway ayaa maalmo kahor soo qaaday shan caruur ah oo ay dhaleen waalidiin katirsanaa kooxda daacish, kana tagay dalkan Norway. Waxeyna ugu horeeyaan caruur labaatameeyo ah oo dowlada Norway ay go´aansatay in lagu soo celiyo Norway.

Wali ma cada waxa ay dowlada Norway ka yeeli doonto dadka heysta dhalashada Norway, ee ku biiray kooxda Daacish, hadana raba inay dib ugu soo noqdaan Norway.

Xigasho/kilde: Aftenposten: To somaliske søstre funnet i Syria

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments