Xildh. Ilhaan: Maleeshiyo ayaan horey uga soo bad-baaday, hadana Trumo waan ka gudbi.

0
87
Foto: Ilhaam Cumar/Facebook

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada ee waddanka Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in ay haatan ka hor ka soo badbaaday qabqablayaasha iyo maleeshiyaadka Soomaaliya, haatanna ay ka gudbi doonto midda madaxweyne Trump.

Ilhaan ayaa talaadadii la soo dhaafay hadalkan jeedisay mar ay la hadleysay dumar madow ah oo asal ahaan Afrikaan ah oo isugu soo baxay bannaanka hore ee dhismaha aqalka Koongareeska Mareykanka. Dumarkani ayaa halkaasi isugu yimid si ay taageero ugu muujinayaan Ilhaan Cumar oo in muddo ahba ay is-hayeen madaxweyne Donald Trump.

Ilhaan ayaa dhawaan hanjabaado dil ah la kulan tahay ka dib markii madaxweyne Trump uu bartiisa Tweeter-ka uu soo dhigay muuqaal Ilhaan la xiriirinayo weerarkii Al-Qaacidda ku qaaday Mareykanka 11-kii Sebteembar ee sanadkii 2001.

Ilhaan ayaa ka mid ah labada gabdhood ee Muslimiinta ah ee markii ugu horreysay ka mid noqday Aqalka Koongareeska dalkaasi Mareykanka. Dhawr jeer oo hore ayaa Ilhaan lagu eedeeyay in ay jeedisay hadallo lid ku ah dadka Yuhuudda ahi balse waa ay beenisay eedeymahaasi.

«Ma aha oo kaliya in aan ka badbaaday colaad. Haddii aan maleeshiyaadka ka badabaday waxaan hubaa in aan ka badbaadi karo dadkan,» ayay tiri Ilhaan Cumar.

» Balse sababtu waxaa weeye meel kastaa oo aan tagaba, waxaan hubaa in aan wada soconno dhammaantiin oo aan gacmaha is-haysanno.»

Ilhaan ayaa dhawaan BBC Somali u sheegtay in khilaafka kala dhaxeeya madaxweyne Trump uu salka ku hayo khilaafka Trump kala dhaxeeya Muslimiiinta, dadka soo galootiga ahi, haweenka iyo dadka madowga ah.

«Khilaafka aniga iyo madaxweynaha [Trump] wax cusub ma ahan, waxaan aaminsanahay in khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka Muslimiinta ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka qaxootiga waddankan ku ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka madowga ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka dumarka ah.»

Ilhaan waxa ay sheegtay in iyada ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay dadkaasi oo waxa ay tiri «aniga waxaan ahay qof dadkaas oo dhan wadamatalo, marka aniga iyo asaga inaan isku dhacno waa wax mar hore soo bilowday.»

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments