Oslo: Wiilkii lagu qabtay Bombada Grønland oo Norway laga tarxiilay.

0
592
Oslo-Grønland

19 sano jir u dhashay dalka Ruushka ayaa bartamaha sanadkii 2017 lagu qabtay xaafada Grønland ee magaalada Oslo, isaga oo wata Bombo gacan ku sameys ah.

19-jirkan oo markii danbe lagu eedeeyay danbi la xiriira argagaxiso, ayaa maanta laga tarxiilay Norway, sida uu soo tabiyay TV2.

Wasaarada cadaalada Norway ayaa sanadkii hore meelmarisay go´aan ah in wiilkan laga tarxiilo Norway, sababo la xiriira inuu halis ku yahay amaanka guud ee qaranka Norway.

19-jirka oo magangalyo ku joogay Norway ayaa racfaan ka qaatay go´aanka wasaarada cadaalada, balse kuma uusan guuleysan racfaankiisa. Maxkamada Oslo ayaana meelmarisay go´aanka wasaarada cadaalada, isaga oo maanta duhurkii diyaarad laga saaray garoonka Oslo.

Maxkamada Oslo ayaa horey u sheegtay in wiilkan uu xagjir ku noqday Norway, uusan geysan karo ama ka qeybqaadan karo fal danbiyeed argagaxiso oo ka dhici karo Norway.

Xigasho/kilde: TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments