Norway oo aan ka jawaabin codsi ay New Zealand usoo dirsatay, kadib xasuuqii muslimiinta.

0
76

15-kii bishii Maarso ee sanadkan, nin katirsan kooxaha xagjirka midigta fog ah, ayaa 51 qof oo muslimiin ah ku dilay masaajid kuyaal magaalada Christchurch, xili ay kujireen salaad jimce.

Ninka falka geystay oo lagu magacaabo Brenton Tarran ayaa inta uusan falka geysan kahor, barta internetka soo galiyay dar-daaran dheer oo ku sharaxayo sababta ku kaliftay falkaas, iyo waxa ay ujeedkiisu tahay.

Ninkan ayaa sidoo kale horey warqad codsi booqasho ah ugu soo diray gacan ku dhiigle Anders Breivik oo sanadkii 2011, 77 qof ku dilay Norway. Wuxuuna cadeeyay inuu ku dayanayay dad uu kamid yahay Breivik.

Codsiga New Zealand ee Norway:

Maalmo kadib marku uu dhacay falkaas, ayaa dowlada dalka New Zealand waxey dowlada Norway usoo gudbisay codsi rasmi ah oo ku saabsan gacan ka siinta wax ka qabashada saameynta falka argagaxisnimo.

Safiirka New Zealand ee Norway oo warqada codsiga ah ku saxiixnaa ayaa sheegay in Norway ay khibrad ugu leedahay arintan, maadaama fal noocan ah uu horey gudaha Norway uga dhacay.

Sida uu qoray wargeyska ABC-Nyheter, Norway ayaan wali ka jawaabin codsiga New Zealand, iyada oo labo bilood ka badan laga joogo xiligii uu falkaas dhacay.

Norway ayaa sheegtay in mudo isbuuc gudaheed ah jawaab lagu siin doono New Zealand.

Xigasho/kilde: ABC-NYEHTER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments