Facebook oo Xiray 265 baro warbaahineed Oo Israa’iil dalal Afrika ah ay ka Samaysay

0
133

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay xirtay 265 baro warbaahineed oo ay lahaayeen shirkad Israa’ilyiin ah oo lagu bartilmaameedsan jiray Lix wadan oo qaarada Afrika ku yaal iyo wadamo ku yaal koonfurta Maraykanka iyo koonfur bari ee Aasiya.

Barahan ayaa lagu faafin jiray warar lokal ah, xogo qarsoon oo laga diyaariyay siyaasiyiinta dalalkaas, sidoo kale wararka la xiriira doorashooyinka wadamada Nigeria, Senegal, Togo, Angola, Niger and Tunisia

” Kooxaha waxay isku muujinayeen inay yihiin degaanka, iyaga oo faafinaya wararka maxaliga ah ee degaanka iyo xogo sir ah oo laga soo ururiyo siyaasiyiinta wadamada Africa qaarkood” Sidaas Waxaayiri madaxda ka hortega dambiyada internetka ee shirakdda Facebook Nathaniel Gleicher

Baaritaano ay samaysay shirkadda Facebook waxau ku ogaatay in qaar kamid ah Baraha la xiray lala xiriirinayo Shirkadda Archimedes oo laga leeyahay wadanka Israa;iil. Shirkadan ayaa laga joojiyay dhammaani Akoomadii ay ku lahaayeen facebooga.

5 ka mid ah Lixda wadan ee bartilmaameedku ahaa ayaa doorasho madaxweyne iyo Barlamaanka qabsaday saddex sanno ee la soo dhaafay, iyadoo dalkasi Tuuniisayana uu bisha December ee sanadkan uu doorasho gali doono

Dhinaca kale, Facebook waxay sheegtay in Kooxahan baraha la xiray ay ku kharash gareeyeen xayaysiinta iyo faafinta wararkooda lacaga dhan $812,000 intii u dhexaysay December 2012kii iyo April 2019kii. Lacagaha inta badan waxaa lagu bixin jiray Dollar, lacagta Israal ee Sheke iyo lacagta Riyaaska la yiraahdo ee Baraasiil.

Xigasho/kilde: Horseed/The Verge

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments