Denmark: Soomaalida oo ah qowmiyada ugu badan ee loo xukumo danbiyada la xiriira dilka, kufsiga iyo dhaca.

0
251

Tirokoob laga sameeyay dalka Denmark, laguna baarayay jinsiyada qowmiyadaha ajnabiga ah ee falalka danbiyada ah ka geysta Denmark, ayaa lagu sheegay in soomaalidu ay yihiin guruubka ugu badan ee loo xukumo falal danbiyeedka la xiriira dilka, kufsiga iyo dhaca.

ilaa 169 soomaali ahaa afartii sano ee u dhaxeysay 2014 ilaa 2018 loo xukumay falal la xiriira danbiyada kufsiga, dhaca dadweynaha iyo dilka. Tiradaas oo sida warbarbixinta lagu sheegay ah mid aad u badan, marka loo fiiriyo tirada soomaalida ee kunool Denmark.

Danbiyo badan oo loo xukumay dhalinyaro soomaali ah, ayaa xiriir la leh dagaalka ka dhaxeeyo kooxaha gangiga ah ee ku xifaaltamo magaalooyinka waaweyn ee Denmark.

Waxaa booska labaad kusoo jiro dadka kasoo jeedo Ciraaq, halka booska sadexaad ay kujiraan Turkida.

Xigasho/kilde: BT 1(LINK 1), BT2(LINK 2)

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments