Ap: Masaajidka aan 40% maamulka ka dhigan haween, waa in laga joojiyaa taageerada dhaqaale.

0
68
Reymond Johnsen Gudoomiyaha degmada Oslo

Xisbiga Shaqaalaha ee Ap, qeybtiisa Oslo ayaa dalbaday in masaajidada aan dumarka ka qeybgalin gudiga maamulka, laga joojiyo kaalmada dhaqaale oo ay dowladu siiso.

Gudoomiyaha gudiga maamulka Oslo, Raymond Johansen oo katirsan madaxda xisbiga Ap, ayaa sheegay in xisbigiisu uu dalbanayo in masaajidka aan 40% gudiga maamulka haween ka dhigan laga joojiyo kaalmada dhaqaale ee dowlada.

Hadalka xisbiga Ap ayaa yimid kadib baaritaan uu sameeyay Tv-ga Nrk, kaas oo lagu ogaaday in 70% masaajidada Norway aysan dumarka ka qeybgalin gudiga maamulka, halka isku dar 8% ay maamulada masaajidada Norway ay yihiin haween.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments