Denmark: Nin sawirada dad shil ku geeriyooday gudbiyay, oo maxkamad ay xukuntay.

0
106
Shil Tareen Denmark

Labadii bishii January ee sanadkan 2019, waxaa buundada Storebælt ee dalka Denmark ka dhacay shilka labo tareen, kaas oo sababay dhimashada sideed qof.

Shilkaas oo ahaa shilkii tareen ugu xumaa ee taariikhda Denmark, ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa 16 qof.

Nin kamid ah dadkii saarnaa tareemada isku dhacay, ayaa sawiro uu ka qaaday dadkii shilkaas ku dhintay u gudbiyay warbaahinta qaar. Isaga oo sidoo kale la wadaagay shaqsiyaad saaxiibadiis ah.

Ninkan oo maxkamad lasoo taagay, laguna eedeeyay danbi la xiriira inuu sawiro ka qaaday dad meyd ah, isla markaana gudbiyay, ayaa lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan 20.000 oo lacagta dalkaas ah.

Ninkan oo qirtay inuu qaaday, isla markaana uu ogolaansho la´aan gudbiyay sawirada, ayaa sheegay inuu u danlahaa inuu muuqaal ka duubo shilka, uusana markaas ogeyn in muuqaalka ay ka dhex muuqdeen sawirada dadka geeriyooday.

Wadamada Yurub waxaa mamnuuc ah in la gudbiyo sawirada dadka ku dhinta shilalka, ama ku dhaawacma, iyada oo uusan boolisku ogolaansho bixin. Ama aan ogolaansho laga heysan qoyska qofkaas geeriyooday.

Xigasho/kilde: TV2DENMARK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments