Sweden: Xawaalado kale oo soomaali ah oo la xiray.

0
117

Bangiyada waaweyn ee dalka Sweden ayaa isbuucyo kahor xiray koontooyinka dhowr xawaaladood oo soomaali ah, kadibn markii ay soo baxday fadeexadii weyneyd ee qabsatay bankiga Swedbank.

Fadeexadaas ayaa ku lug laheyd in qeybo kamid ah xarumaha Bankiga Swedbank uu lacago u dhaqi jiray(u sharciyeyn jiray) kooxo maafiyo ah, waxaana arintaas ay sababtay in baaritaan weyn lagu sameeyo dhamaan xarumaha Bankiga ee dalalka Nordica.

Kadib marka ay soo baxday fadeexada bankiga Swedbank ayuu bangigaas xiray qeybo kamid ah koonyooyinka xawaaladaha soomaalida, iyaga oo sheegay ineysan ogeyn meesha ay lacago xawaaladuhu diraan ku danbeeyaan. Iyo inay gacanta u galaan kooxaha xagjirka ah iyo inkale.

Sida ay tabisay idaacada laanta afka soomaaliga ah ee Radiosverige, dhowr bangi oo kale oo Sweden kuyaal ayaa iyagana dhankooda xiray koontooyinka xawaalado soomaali ah.

Waxeyna arintaas wel-wel galisay bulshada soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, kuwaas oo bil walba boqolaal kun u dira qoysaskooda ku dhaqan geeska Afrika.

Xigasho/kilde: Swedbank

Halkan ka akhri warbixinta SverigesRadio.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments