Ilhaan Cumar: Nafteyda halis ayay kujirtaa, hanjabaad dil ah ayaan la kulmay.

0
152
Foto: Rueters

Ilhan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa sheegtay inay heshay hanjabaado dhowr ah oo dil loogu hanjabayo, kadib muuqaal uu barta Twitterka soo dhigat madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Ilhaan ayaa sheegtay la aamusin doonin ka dib markii ay cambaarayn xoog badan kala kulantay qaabka ay uga hadashay weerarkii daaraha Maraykanka lagu qaaday bishii Sabtembar ee sannadkii 2001.

Dadka aadka u dhaliilayna waxaa ka mid ah madaxweyne Donald Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa bartiisa Twiterka kusoo qoray hadal ahaa”Waligeen ma hilmaami doono” iyo muuqaal tusinaya weeraradii September 2001 oo la barbar dhigay khudbadii Ilhan Cumar.

Hadalkeedii “Dadka qaar ayaa qalad sameeyay,” ayaa la arkayay iyadoo la dhex geliyay muuqaalka diyaaradahii lagu garaacay daaraha Twin Towers iyo dadka oo ka baxsanayay burburka dhismayaasha.

Hadal-qoraal oo ay Seantor Ilhaan Cumar soo saartay waxay ku sheegtay tan iyo markii uu Trump bartiisa Twitterka soo dhigay qoraalka iyo Muuqaalka Video-ga inay kordheen cabsi-gelinta tooska ee nolosheeda, iyadoo inta badan hanjabadaasi ka jawaabayaan Muuqaalka Video-ga ee Donald Trump.

“Hadallada samayn kara colaadaha iyo dhamaan qaababka hadalladda Nacaybka wax boos ah kuma laha Bulshadeenna, waana wax aad uga yar waxa ka yimid Taliya Guud ee dalkeenna, dhamaanteenna waxaan nahay Maraykan” ayey Ilhaan Cumar ku qortay Qoraalkeeda.

Waxayna intaasi ku dartay in loo baahan yahay in la joojiyo dhamaan wax khatarta gelin kara Nolosha.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku eedeeyay inay weerarki September si xun uga hadashay, balse dimoqaraadiyiinta ayaa si weyn u difaacay, iyaga oo sheegay in si qaldan hadalkeeda loo tarjuntay qaarkoodna waxay ku eedeeyeen Trump inuu iyada iyo muslimiinta kale ku kiciyay dadka Mareykanka ah.

Xigasho/kilde: Caasimada.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments