fredag, april 19, 2024

R.W Soomaaliya oo Washington kula kulmay wasiirka deeqaha Norway.

Reysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Washington kula kulmay wasiirka cusub ee deeqaha dalkan Norway, Dag Inge Ulstein. Labadan masuul ayaa ka wada qeybgalay shirka sanadlaha ah ee bangiga aduunka oo isbuucii tagay lagu qabtay magaalada Washington.

Sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay barta Twitterka xafiiska Reysulwasaaraha Soomaaliya, Kheyre iyo Ulstad ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Norway, iyo sidii Norway ay Soomaaliya uga gacan siin laheyd soo gabashada dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Norway oo kamid ah wadamada deeqaha ugu badan ku bixiya Soomaaliya, ayaa horey Soomaaliya ugu balanqaaday inay kala shaqeyn doonto taageero raadinta qorshah deyn cafinta dowlada Soomaaliya.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x