Warqad furan: Maka mid tahay 1600 soomaalida ah ee UDI-du jawaabta degenaanshaha kala daahday?

0
189

Warqad ay NorSom News soo gaarsiiyeen guruub la baxay: Ololaha cadaalad raadinta soomaalida Norway.

Maka mid tahay guruubka soomaalida ah ee hey´adda socdaalka Norway ay ku wargalisay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto baahidooda magangalyo. Mise kamid tahay dadka mar kale loo cusbooneysiiyay magangalyada kumeel gaarka ah, iyaga oo gaarey ama dhaafey xiligii degenanaanshaha rasmiga ah? Fadlan bogaan kusoo biir, kana qeybqaado howsha aan wadno(Halkan riix). 

  • Waxaan nahay dhalinyaro isugu jiro wiilal iyo gabdho oo ay saameysay arintan, mudo sadex sano iyo kan badan ahna jawaab sugayay. Waxaan nahay dad u badan dad shaqeysta, oo kamid ah dhamaan qeybaha bulshada soomaalida dalkan ay ka koobantahay. 
  • Qaarkeen waxaan nahay ardey jaamacadeed, qaarkeen waxey wadaan bussaska ama tagaasida gaadiidka dadweynaha, qaarkeena waa waalidiin caruur heysto. Waxaan deganahay guud ahaan gobolada iyo deegaanada dalka, waxaana qeybo kanahay dhamaan howlaha bulshada socdo. 
  • Waxaan mudo ah ku jirnay nolol adag oo ay sabab u tahay jawaabta naga soo daahday. Anaga oo ay naga dayacmeen howlo iyo qorshayaal badan oo aan nolosha iyo wadankaba ka laheyn. Qaarkeen waxey ku reebtay dhibaatooyin xaga caafimaadka maskaxda ah, maadaama uu mugdi nooga jiro qaabka ay noqon doonto nolosheena dalkan. 
  • Markii aan in mudo ah arintan si hoose uga hadalnay, waxaan ugu danbeyn hada go´aansanay inaan awoodeena isku geyno, oo aan sameyso dhaq-dhaqaaq arintan wax uun looga qabanayo. Waxaana ku tashanay in sadex sano kadib aanan wali kujiri Karin mustaqbal calaamad su´aal saarantahay. 
  • Sidaas darteed waxaan wadnaa olole aan rabno inaan ku galno albaab walba oo furan, aana ku garaacno mid walba oo xiran, si aan arintan wax uga qabano.  Waxaana sameynay gudi arintan isku xilsaaray oo ka kooban dadka ay dhibaatadu saameysay iyo gudi soomaalida aqoonta arintan u leh oo aan la kaashan doono.
  • Waxaan isla garanay in arintan ay tahay mid siyaasadeysan, sidaas darteed u baahan maskaxo badan oo isbiirsaday, waxaana la kaashan doonaa bulshada soomaalida ah iyo hey´addaha aan fileyno inay wax nala qaban karaan. Anaga oo og in lix bilood kadib ay nagu soo beegantahay doorashadii deegaanka dalkan.
  • Waxaan dejinay qorsheyaal isdaba joog, kuwaas isbuucyada soo socdo aan gudo gali dooono. Sidaas darteed waxaan idinka codsaneynaa inaad nagala socotaan Bogeena Facebooga ee : Ololaha cadaalad doonka soomaalida Norway. 
  • Fadlan wixii fikir ah, talo ah ama Aad akhbaar heyso nagula wadaag bogeena.

Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan qaabka aan u shaqeyn doono, waxa aan qaban doono iyo meelaha nagala soo xiriiri karo, gadaal Ayaan kasoo galin doonaa. 

Fadlan warqadan la wadaag cidii aad taqaan oo ay khuseyso. 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments