Baarlamaanka Britain oo markale diiday meelmarinta qorshaha R.W Theresa May.

0
129

Xildhibaannada Britain ayaa mar kale cod aqlabiyad ah kgaa soo horjeedsaday qorshihii ugu dambeeyay ee dawlada ay Hogaamiso Theresa May ay in dalweynaha Ingiriisku uu uga baxo Midawga Yurub.

Ra’iisulwasaare Theresa May ayaa xaqiijisay in Baarlamaanku ay Arbacada u codayn doonaan in dalka uu Midawga Yurub ka boxo isaga oo oon wax heshiis ah la galin Midawga Yurub. Haddii ay qorshahaas meel marin waayaana ay xildhibaannadu Khamiista u codayn doonaan in dib loo dhigo qorshaha ka bixitaanka Midawga Yurub.

R.W May oo khubad ayaa ka hor jeedinaysay baarlamaanka ku sheegtay in ay aad uga carootay natiijada codbixinta baarlamaanka, iyada oo wajigeeda laga dheehan karo niyadjabka ay la kulantay mark sadexaad.

Arintan ayaa kusoo aadeyso xili isbuucyo oo qur ah ay ka dhimanyihiin xiligii loo qabtay in U.K ay kaga baxdo EU-da, xiligaas oo ku eg dhamaadka bishan Maarso ee sanadkan. U.K ayaa hadii ay heshiis la´aan kaga baxdo EU-da wajihi doonto degenaansho la´aan ganacsi, mid dhaqaale iyo siyaasadeedba.

Dhanka kale hogaamiyeyaasha Yurub ayaa sheegay in ay ka xun yihiin natiijada ka so baxday baarlamaanka Britain waxa ayna sheegeen in taasi sii kordhinayso cabsida laga qabo in Britain ay Midawga Yurub ka baxdo heshiis la’aan.

Terry Reintke oo ka tirsan baarlaanka Yurub ayaa sheegtay arrinta ka bixtanka Britain ee Midawga Yurub ay jah wareer badan keentay.

Xigasho/kilde: BBC-LAANTA-AFKA SOOMAALIGA

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments