Tahriibayaal afduubtay markabkii bada kasko bad-baadiyay.

0
106

Ciidamada jasiiradda Malta ayaa gacanta ku dhigay markab ah kan shidaalka xambaara oo ay afduubteen dad tahriibayaal ah oo badda laga soo badbaadiyay iyaga oo dooni la sabaynaya. 

Dadkan oo kor u dhaafaya 100 qof ayaa falkan ku dhaqaaqay kadib markii lagu wargaliyay in dib loogu celin doono dalka Liibiya oo ay markii hore ka yimaadeen. 

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in tahriibayaasha xabsiga loo taxaabay kadib markii markabka uu kusoo xirtay dekada Malta. 

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa isna tahriibeyaasha ku tilmaamay «burcad badeeed»

Arrintan ayaa imaanaysa iyaddoo Midawga Yurub uu sheegay in uu joojinayo gaafwareegidda badda Mediterranean-ka, si loo soo badbaadiyo tahriibayaasha saaran doomaha yar-yar ee kasoo shiraacda xeebaha Liibiya.

Ra’isulwasaaraha Malta Joseph Muscat, ayaa sheegay in sida ay tahay loo tixgalin doono qawaaniinta caalamiga ah marka ay timaado qaabka loola macaamilayo tahriibayaasha la xirxiray.

Dhanka kalana Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga ayaa ciwaankiisa Facebook-ga ku soo qoray «dad go’doonsan ma aha ee waa burcad» in ay adeegsadaan diirad ama waynayso oo kali ah ayay Talyaaniga ku arki doonaan.»

Salvini ayaa marar badan xuddun u noqday muran caalami ah oo ka dhashay maraakiib ay soo galooti saarnaayeen oo uu u diiday in ay ku soo xirtaan xeebaha Talyaaniga.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments