R.W Ku xigeenka Talyaaniga oo dhalashada Italy u balanqaaday ardey Masaari ah.

0
199

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa Dhalashada Italay u balan qaaday ardey u dhashay dalka Masar, kaas oo badbaadiyay ardey kale oo ay wax Isla bartaan, xili la isku dayay in la afduubto.

Ramy Shehata ayaa garaacay gambaleel ku qarsoon saacaddiisa ka dib markii darawalkii baska waday ardeyda uu afduubtay. Waxaana ardeydadii saarneyd busska u suurtogashay inay busska ka daataan kahor inta aan dab la qabadsiin.

Dhacdadan ayaa ka dhacday meel u dhow magaalada Milano.

Reysulwasaare ku xigeenka Italy, Salvini ayaa sheegay in wiilka yar uu mutaystay in muwaadinnimo lagu siiyo geesinimada uu muujiyay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Ansa.

«Waa in muwaadin laga dhigaa Ramy sababtuna waxay tahay waa in uu yahay wiilkayga oo kale oo u istaagay qiyamka dalkiisa,» ayuu Salvini u sheegay wakaaladda wararka ee Ansa.

Ramy oo aabihii ka yimid Masar sannadkii 2001 ayaa la sheegay in uu ku dhashay Talyaaniga, laakiin wali uma suurtogalin inuu helo sharci rasmi ah.

Sharciga Talyaanigu wuxuu dhigayaa in carruurta ay soo galootigu dhalaan aysan muwaadiniin noqon karin ilaa iyo inta ay ka gaarayaan da´da 18 sano.idoo kale saacaddiisa adeegsaday si uu masuuliyiinta si qarsoodi ah ugu wargaliyo waxa dhacay.

Ramy ayaase toddobaadkii hore loo sheegay in masuuliyiinta dawladdu ay siin doonaan dhalashada, balse Salvini oo ah hoggaamiyaha xisbiga soogalootiga ka soo horjeeda ee League ayaase la sheegay in uu ka biyo diidanaa in wiilkaas il gooni ah lagu fiiriyo.

Ugu danbeyna Salvini ayaa hada sheegay in Ramy uu mudanyahay in la siiyo dhalashada Talyaaniga.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments