Ololaha cadaalad doonka: Dad toboneeyo ah ayaa ugu danbeyn helay jawaabta degenaanshaha.

0
148
(Illustrasjonsfoto: Werner Anderson)

Waxaa NorSom News lasoo xiriiray urur la baxay ololaha cadaalad doonka soomaalida Norway, kuwaas oo noo sheegay inay ku mideysanyihiin soomaalida jawaabta codsiga degenaanshaha ka sugayay hey´adda socdaalka ee UDI-da.

Waxey noo sheegeen inay lasoo xiriireen dad kamid ah soomaalida jawaab sugayaasha ahaa, ayna u xaqiijiyeen inay ugu danbeyn jawaab ka Heleen codsigooda magangalyada. Ugu danbeyna ay heleen degenaanshada oo ka maqneyd mudo u dhaxeyso 2 ilaa 3 sano.

Abdi Mohamed oo kamid ah dhalinyarada degan Oslo, kana mid ah ururka la baxay ololaha cadaalad doonka ayaa sheegay in dadka lasoo xiriiray ay gaarayaan ilaa dhowr iyo toban. Ayna ku noolyihiin dhowr magaalo oo Norway kamid ah, ayna rajeynayaan in tiradu ay ka badantahay intaas.

Isaga oo noo xaqiijiyay in warkan uu farxad galiyay soomaali badan oo jawaabta sugayay in mudo ah, ugu danbeyna ay ku faraxsanyihiin inuu bilowday dhaq-dhaqaaq, kadib in mudo ah oo laga aamusnaa.

Xigasho/kilde: Ololaha cadaalad doonka soomaalida Norway


Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments