Norway: Dad laga soo badbaadiyay markab ay saarnaayeen 1300 qof.

0
170

Dowladda Norway ayaa sheegtay ku dhawaad 1,300 oo qof iney diyaaradaha qumaatiga u kaca kaga soo badbaadiyeen markab ku xumaaday badda Choppy, kaas oo ay matoorrada ka ciladoobeen.

Taliyaha Booliska Romsdai ayaa sheegay in la soo badaadiyey dhammaan dadki markabkaasi xumaaday saarnaa.

Wakaaladda badbaadada badda ee dalka Norway waxay sheegtay xilliga ay markabku ciladda la soo daristay ay dhacayeen mowjado iyo dabeylo taasina ay keentay in dadki saarnaa si degdeg ah loogu gurmado.

«Howlaha gurmadkana waxa ka qayb qaatay shan diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca iyo maraakiib» ayey tiri wakaaladdu

.

Wakaaladdu waxaa kale oo ay sheegtay «ciladda markabka ku timid in loo maleynayo iney sababtay Markabku oo jiiray dhagaxaanta waaweyn ee badda gunteeda ku jira maadaamaa xilligaasi ay mowjada dhacayeen oo ay adkeyd xakameynta markabka».

Dadki rakaabka ahaa markabkaasi saarnaana ma jirto cid wax ku noqotay howsha gurmadna oo waxaa la soo badbaadiyey iyaga oo badqaba.

Rakaabka Markabka xumaaday ee ‘MV Viking Sky’ oo laga leeyahay Norway rakaabki saarnaa waxay intooda badan u dhasheen dalalka Britain iyo Mareykanka.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments