Denmark: Wiilkan soomaaliga ah oo ugu danbeyn sharcigiisa dib u helay.

0
205
Foto: Karl Erik Lørup / TV MIDTVEST

Laanta socdaalka dowlada Denmark ayaa ugu danbeyn sharciga magangalyada usoo celisay Mohamed Ibrahim oo ah wiil soomaali ah oo kunool dalka Denmark.

Maxamed ayaa kamid ahaa ku dhawaad kun qof oo soomaali ah, kuwaas oo dowlada Denmark ay dib uga ceshatay sharciga magangalyada, iyada oo sheegtay in xaalada amaan ee Soomaaliya ay soo fiicnaatay. Dadkaasna aysan u baahneyn magangalyo.

Warbaahinta Denmark ayaa si Aad ah wax uga qortay kiiska Maxamed oo ka shaqeeyo kawaan hilib, waxaana taageero weyn u muujiyay bulshada reer Denmark. Kuwaas oo sheegay inuu mudanyahay in la siiyo magangalyo, maadaama uu si fiican uga mid noqday bulshada deegaanka.

Goobta shaqada ee Maxamed ayaa xiliga shaqada u badashay Maxamed si uu u buuxiyo shuruuda lacageed ee looga baahanyahay qofka xaqa u leh inuu ogolaansho dal ku joog xaga shaqada ah ka helo Denmark.

Ku dhawaad sanad iyo dheeraad kadib oo ay socotay kiiska u dhaxeeyo Maxamed iyo Laanta socdaalka Denmark ayaa ugu danbeyn kusoo gaba-gaboobay in Maxamed dib loogu cusbooneysiiyo sharciga magangalyada.

Waxaana go´aanka dib loogu soo celiyay sharciga loo raacay sharci hore oo dalkaas laga adeegsan jiray sanado kahor, kaas oo Maxamed u sahlay inuu dib u helo magangalyadiisa. Sharcigaas ayaa dhigaya in qofkii dhexgala bulshada kunool Denmark, barta luuqada dalkaas, kamid ah bulshada deegaanka, heystana Shaqo rasmi ah uu mudanyahay in la siiyo sharci dal ku noolaansho.

Xigasho/kilde: DR.DK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments